Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo amray in la hakiyo kursigii uu ku guulaystay taliyaha NISA Yaasiin Fareey

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa amray in la hakiyo natiijada kursiga sumadiisu tahay 067 ee uu ku guulaystay taliyaha kumeel gaarka ah ee hay’adda NISA, Kornayl Yaasiin Fareey.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in kursigaan lagasoo gudbiyay dacwad kasoo baxay musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo nabaddoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

Guddiga wuxuu sheegay inuu muddo todobo cishe ah kusoo gabagabayndoono dacwadda lagasoo gudbiyay kursiga isla markaana ay guddiga doorashada la wadaagi doono natiijada baaritaanka.

Waa kursigii labaad oo guddiga xallinta khilaafaadku hakiyaan, laakiin kursigaan midkii ka horreeyay oo uu ku guulaystay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, ayay maalmo kadib siidaayeen.