Dowladda oo ka hadashay xaaladda ku sugun yahay garoonka diyaaradda Baladweyn - Jowhar News Leader
Source: Jowhar News

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Faarax Nuux ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee ka jira garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa xusay in garoonkaasi uu yahay goob muhiim ah oo kamid ah meelaha laga fuliyo adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada Soomaaliyeed.
“dowladda ma xirin garoonka diyaaradaha Baladweyn,balse inta la soo celinaayo nabadgelyada goobtaasi ilgaar ah ayaan ku eegi doonaa” sidaasi waxaa yiri Wasiir Maxamed Faarax Nuux.
Wasiirka ayaa dalbaday in ciidamada laga saaro garoonka diyaaradaha,isla markaana la abuuro jawi nabadeed oo ay ku qanci karaan shirkadaha diyaaradaha iyo shacabka socotada ah.




Comments
No comments yet.