Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo shir-guddoomiyey kulanka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika
Source: Hiiraan Online

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Kulanka oo qabsoomay ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada gobolka, dardargelinta is-dhexgalka dalalka xubnaha ka ah ururka iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada hay’adaha sharci-dejinta.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbad uu ka jeediyey kulanka ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah dib-u-eegista hirgelinta go’aannada shir-madaxeedkii madaxda dalalka EAC ee la xiriiray gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), oo la qorsheeyey inay dhaqan galaan bisha Diseembar 2027.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar ee sanadkan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qaybgalka tartankaasi, isla markaana Baarlamaanka Federaalka uu diri doono wafdi isboorti oo dalka ku matala ciyaaraha.
Wuxuu xusay in tartanku uu door ka qaadan doono xoojinta xiriirka, saaxiibtinimada iyo wadajirka baarlamaannada dalalka gobolka.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ku baaqay in guddoomiyeyaasha baarlamaannada ay ka wada shaqeeyaan gaarista go'aanno mideysan oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo u adeegaya danaha guud ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga siyaasadeed iyo hay'adeed ee gobolka Bariga Afrika, iyadoo Baarlamaanka Federaalka uu ka qayb qaadanayo kulamada iyo howlaha ururka.




Comments
No comments yet.