Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkaystay doorashada qof iyo cod iyo in shacabka ay doortaan hoggaankooda
Source: Hiiraan Online

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkaystay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay codkooda ku doortaan hoggaankooda, isagoo doorashada qof iyo cod ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dhismaha dowlad ku dhisan rabitaanka muwaadiniinta, isla xisaabtan iyo sharciyad.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in ixtiraamka rabitaanka shacabka iyo aqbalidda natiijooyinka doorashooyinku ay saldhig u yihiin dimuqraadiyad waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashooyinkii ka dhacay 50 degmo oo dalka ah ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka shacabka ee doorashada hoggaankooda, isagoo xusay in in ka badan 1.8 milyan oo muwaadiniin ahi ay isu diiwaangeliyeen doorashooyinka.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyey siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiintii hore ee dalka ee aqbalay natiijooyinka doorashooyinka, isaga oo sheegay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed aanu meesha ka saarayn baahida loo qabo ixtiraamka rabitaanka shacabka.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda federaalku diyaar u tahay wada-hadallo ay la yeelato mucaaradka iyo cid kasta oo aragti ka duwan qabta, si la isugu waafajiyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyey in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, is-qancin iyo tanaasul ku dhisan danta guud ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.




Comments
No comments yet.