Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhalan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

2026-10-11 18:59:34 · Local

1791723454shariif.jpg

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka digay xaaladda amni, xasilloonida iyo hirgelinta doorashooyinka, isaga oo walaac ka muujiyey tallaabooyinka uu sheegay inay sii hurinayaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda dalka, gaar ahaan muranka siyaasadeed ee la xiriira shirarka ka socda Villa Soomaaliya iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbigu wuxuu sheegay inuu cambaaraynayo “tallaabooyinkaas qaar iska tuurka ah oo lagu khal-khalgelinayo bulshada caasimadda, laguna carqaladaynayo wadahadallada siyaasadeed, islmarkaana dib u celin karta dowladnimada jilicsan ee aan haysanno.”

Himilo Qaran ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dalka inay muujiyaan mas’uuliyad, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii xoojin karta xiisadaha siyaasadeed.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in madaxweynuhu muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono mas’uuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbigu wuxuu intaas ku daray inuu saraakiisha iyo ciidamada qaranka uga digayo qaadashada amarro uu ku tilmaamay “baal-marsan dowladnimada” oo lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka.

Ugu dambayn, Himilo Qaran wuxuu ku baaqay in si deggan oo nabad ah loo wajaho xaaladda taagan, si loo helo hay’ad dowladeed oo haysata sharciyad iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale ku adkeeyey in madaxweynuhu ka waantoobo tallaabo kasta oo uu ku tilmaamay mid dhaawacaysa dalka, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda, sharciga iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.


← Back to news