Ingiriiska oo walaac ka muujiyey xadhigga saxafiyiinta Somaliland, sheegayna in ka badan 50 kiis la diiwaangeliyey

2026-10-10 21:45:52 · Local

Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa ayaa walaac ka muujiyey xadhigga saxafiyiinta Somaliland, isaga oo sheegay in muddo ka yar laba sannadood la diiwaangeliyey in ka badan 50 kiis oo la xidhiidha xadhigga saxafiyiinta, taas oo uu sheegay inay dhaawici karto sumcadda dimuqraadiyadeed ee Somaliland. War qoraal ah oo cinwaankiisu yahay “Bayaanka Ingiriiska ee Xorriyadda Warbaahinta Somaliland” ayuu xafiisku ku sheegay in uu dhawaan wada-hadallo la yeeshay Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo xubno ka tirsan bahda warbaahinta. Xafiisku waxa uu sheegay in kulamadaasi ay ku xoojiyeen walaaca Ingiriiska ee ku saabsan tirada badan ee saxafiyiinta la xidhayo, isaga oo carrabka ku adkeeyey in xadhig kasta loo maro habraaca sharciga iyo kormeerka garsoorka. “Somaliland si sax ah ayay ugu faantaa sumcaddeeda dimuqraadiyadeed, hase yeeshee xadhigga soo noqnoqda ee saxafiyiintu waxa uu halis gelinayaa sumcaddaas,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Xafiiska Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in warbaahin xor ahi ay Somaliland xoojinayso, isla markaana xorriyadda hadalka, saxaafadda madaxa-bannaan iyo ka-qaybgalka bulshada ay yihiin astaamo muujinaya kalsoonida iyo adkaysiga dimuqraadiyadda. Tirada ay shaacisay dawladda Ingiriisku ayaa imanaysa xilli ay ururrada u dooda xorriyadda saxaafaddu diiwaangeliyeen kiisas badan oo ka dhan ah warbaahinta. Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudda Lahayn (RSF) ayaa diiwaangeliyey 21 kiis oo saxafiyiin lagu xidhay Somaliland sannadkii 2025, toddoba ka mid ahna ay xabsiga ku jireen muddo ka badan laba maalmood. Ingiriiska ayaa hore walaac uga muujiyey xaaladda xorriyadda saxaafadda Somaliland. Sidoo kale, saraakiil Maraykan ah ayaa hore ugu baaqay Somaliland inay joojiso tallaabooyinka lagu xakamaynayo warbaahinta, iyada oo uu wali xidhanyahay wariye Cabdiqani Baylood, oo kamid ah saxafiyiinta ugu caansan Somaliland.

← Back to news