Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Riyadh kaga qaybgalay Madasha caalamiga ah ee Tamarta
2026-10-12 06:41:51 · Local

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kaga qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta (IEF).
Ka qaybgalka wasiirka ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, is-weydaarsiga khibradaha iyo raadinta fursado maalgashi oo lagu horumarinayo khayraadka dabiiciga ah.
"Ka qaybgalka madashani wuxuu fursad muhiim ah u yahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, is-weydaarsiga khibradaha iyo ka doodista mustaqbalka suuqyada tamarta adduunka, Soomaaliya waxay mudnaan siinaysaa horumarinta khayraadkeeda shidaalka iyo gaaska, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo dhismaha iskaashi istaraatiiji ah oo gacan ka geysta xaqiijinta amniga tamarta iyo kobaca dhaqaalaha dalka." Ayuu ku yiri Wasiirka qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.
Madasha ayaa fursad u ah ka doodista mustaqbalka suuqyada tamarta adduunka iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya dalalka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha tamarta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysa horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo dhisidda iskaashi istaraatiiji ah oo gacan ka geysta kobaca dhaqaalaha dalka.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada dowladda ee ku aaddan ballaarinta xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta fursadaha iskaashi ee waxtarka u leh dhaqaalaha iyo shacabka Soomaaliyeed.
← Back to news